Himilo – Daraasad loo adeegsaday Virto, ayaa lagu ogaaday in isku dhafka Nitric oxide lagu xakameyn karo SARS-CoV-2, feyruska sababa xanuunka COVID-19.
Waxa uu isku dhafkani gacan ka geystaa in marinnada dhiigga ay noqdaan waasac, taas oo kordhineysa qulqulka dhiigga jirka. Waxey sidoo kale leedahay waxlo ka hortag u noqon kara Feyruska, sida cilmibaarista lagu sheegay.
Daraasadan yar ayaa sidoo kale lagu ogaaday in nitric oxide aysan u shaqeyn oo kaliya sida vasodilator- hanaan daweyn ah oo lagu furo xididada dhiigga si qulqulkiisa u hakan-, balse xittaa ay horumariso oksijiinka ku jira dhiigga kana hortagi karto feyruska sababa Covid-19 ee SARS-CoV-2.
Isku daygaani waxa uu qeyb ka yahay halganka loogu jiro sidii xal loogu heli lahaa feyruska Corona, kaas oo illaa iyo maanta aanan loo helin dawo amaba tallaal lagula tacaalo.
Culumada caafimaadka ayaa dedaaladaasi hormuud ka ah, balse wali lama helin natiijo wada kaafisa dunida kana farxisa dadka la daalaadhacaya feyruska iyo kuwa ka walwalka qaba inay qaadaan.