Himilo – Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo sanceeysa birta ayaa qabsatay warbaahinta dunida, kadib markii ay hadiyado qaali ah siisay shaqaalaheeda.
Jiangxi West Dajiu, ayaa abaabushay munaasibad ay ugu debaal dageysay guusheeda, markaas oo shaqaalaha ay si lama filaan ah u guddoonsiiyay fureyaal gaari.
Midkiiba waxaa la siiyay gaari cusub, taas oo ka dhigan in la bixiyay 4,116-gaari, kuwaas oo qiimahoodu ku dhaw yihiin 500 oo milyan oo lacagta Shiinaha ah una dhiganta ($74 million), sida ay daabacday mareegta Sohu.
Shirkadda ayaa sidoo kal ballanqaatay inay shaqaalaheeda usoo saari doonto warqadaha ama (license), u ogolaanaya inay kaxeeyaan baabuurta loo hadyeeyay, u galiso ceymis shan sanno ah, kana bixiso canshuurta.
Waxey ka dhigneyd hadiyadaasi abaal-marinta faa’iidada ay soo xareeyeen shantii sanno ee u danbeeysay, taasoo sannadba kan ka danbeeya kasii badneyd.