Home / Cayaaro / Juventus oo dalab ka gudbisay kabtan Sergio Ramos

Juventus oo dalab ka gudbisay kabtan Sergio Ramos

Himilo – Juventus ayaa lagu soo waramayaa in u dhaqaaqeen kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos, daafacaan ayuu qandaraaskiisa Los Blancos dhacayaa June 2021.

El Chiringuito TV ayaa werinaya in wadahadallada u dhaxeeya Ramos iyo Real Madrid ay istaageen iyada oo la sheegayo in Juventus ay dalab ka gudbisay daafacaan.

Dalabka Bianconeri ka gudbisay Ramos ayaa ka dhigan in suuragal tahay in uu mar kale la midoobo xiddigii hore Real ee Cristiano Ronaldo oo hadda ku sugan Turin.

Ramos, oo 174 u saftay Spain, ayaa ku guuleystay koob adduun iyo laba koob oo European Championships intii lagu guda jirey waayihiisa qaranka, halka  Real uu ka caawiyay hanashada afar Champions League, shan  La Liga iyo laba Copa del Rey.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan