Himilo – Golaha fulinta ee bankiga aduunka ayaa meel mariyay lacag dhan 12-bilyan oo doolaar, taas oo lagu taageerayo dalalka sookoraya ee wajahaya culeyska cudurka Covid-19.
Dhaqaalahan, ayaa ujeedkiisu yahay in lagu caawiyo hal bilyan oo ruux, si ay u helaan tallaalka feyruska SARS-CoV-2, sidoo kalena lagu xoojiyo xarumaha cilmibaarista iyo sheybaarada, sida lagu sheegay war qoraal ahaa oo kasoo baxay Bankiga.
Waxey qeyb ka tahay xirmo lacageedka WBG ee cadadkeedu ka badan yahay 160-ka bilyan ee doolar ee loo qoondeeyay xoojinta dagaalka ay wadamada sookoraya kula jiraan xanuunka wada gaaray dunida.
Inkastoo tallaalka feyruska SARS-CoV-2 uusan wali soo galin suuqa, haddana David Robert Malpass, madaxa Bankiga aduunka waxa uu qabaa inay tahay in loo diyaar garoobo qeybintiisa.