Himilo – Inbar oo ah sideed jir waxey barkat yare ee ku taala barxadda gurigooda kula dabaalataa si maalinle ah mas yar oo ay xanaaneysato.
Waa ay ku faraxsan tahay in Belle uu la nool yahay, iyada oo sheegtay inuu soo dhaafiyay waqtiyo adag.
“Waxa uu iga caawiyaa inaan ka gudbo waqtiga adag ee xayiraadda Karona, waan jeclahay inaan hab siiyo masaska mararka qaar waxaan ka saacidaa inuu xuubsiibto oo ay dareemo farxad” ayey tiri gabadha maska la nool ee Inbar.
Sarit Regev, oo ah hooyada gabadhan yar ayaa dhankeeda sheegtay in Maska iyo Inbar ay si wadajir ah u barbaareen una dabaashaan.
Belle oo dhirirkiisu yahay 3.4 mitir waa mid kamid ah xayawaanada rabbaayadda ah oo ay leeyihiin qoyska beeraleyda ah ee ku nool koofurta dhulka ay Yahuuddu maamusho.