Himilo – Paul Pogba ayaa sheegay in uusan ka fariisan xulka qaranka, iyada oo laacibkan 24-kii saac ee lasoo dhaafay la hadal hayay in uu qaranka ugu fariistay sabab la xiriirta hadal Islaam naceyb ah oo uu ka dhawaajiyay madaxweynaha France ee Emmanuel Macron.
Sida ay weriyeen warar kala duwan oo ka imaanayay Bariga Dhexe ayaa sheegay in xiddiga Manchester United ee Muslimka ah uu ka carrooday hadalka Macron ee uu jeediyay Jimcihii.
Balse Sportsmail ayaa fahamsan in Pogba uusan ka fariisan shaqada uu u hayay xulka qaranka France.
Isniinta maanta ah ayuu Pogba soo dhigay barahiisa bulshada dhigaalo ka tarjumaya in uusan ciyaaraha qaran ka fariisan warka ay warbaahinta hadalheysay yahay mid aan la aqbali karin, been abuur-na ah.
Khadka dhexe United ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay: “Waa mid laga carroodo, lala yaabo isla markaana leh jahwareer”.
Radio Himilo
