Hordhaca kulanka xiisaha badan ee dhexmari doona Banaadir iyo Jubaland

Kulanka ugu horeeya kulamada bug baxa ee afar dhammaadka cayaaraha gobollada dalka ayaa galabta lagu cayaari doonaa bugcadda Banaadir ee degmada Cabdi Casiis.

Cayaartan ayaa dhexmari doonta marti geliyaasha gobolka Banaadir iyo gobolka Jubaland oo kamid ah afartii gobol ee heerkan soo gaaray.

Banaadir ayaa booska koowaad ee Group A kusoo baxday iyadoo soo urursatay afar dhibcood, halka Jubaland ay booska labaad kaga soo baxday Group B xilli ay la timid saddex dhibcood.

Banaadir wax guuldarro ah cayaarahan kama soo gaarin Kulankii ugu horeeyay waxa uu la cayaaray 15-07-2016 xulka kubbadda cagta Koonfur Galbeed kulan Cayaareed ku soo idlaaday 5-0 oo ay guusha raacday wiilasha Xulka kubbadda cagta gobalka Banaadir, Kulankii labaad waxa ay la dheeleen wiilasha Xulka Puntland 19-07-2016 xilli kulankaas uu ku soo idlaaday 2-2.

Jubaland kulankii kowaad waxa ay la cayaartay xulka kubbadda cagta Hiiraan/Sh.Dhexe 16-07-2016 kulankaas waxaa lagu garaacay 2-1, kulankii labaad waxa ay la cayaareyn wiilasha Galmudug iyagana waxa ay kaga badiyeen 2-1 oo ay guusha raacday Jubaland.

Labadan xul ayaana intii ay cayaarayeen soo bandhigay kubbad heersare ah, mana jirto koox loo saadaalin karo inay soo bixi karto, iyadoo laga rabo in koox kamid ah ay timaad kama danbeysta cayaarahaan oo maallinta Isniinta ah lasoo gebagabeyn doono.

Kulanka galabta ayuu soo geli doonaa saacadda geeska Afrika marka ay tahay 04.00 galabnimo.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan