Himilo – Dad badani kuma dhiiran iney ku dhawaadaan xayawaanada duurjoogta ah ee halistoodu badan tahay iskaba daaye iney guriga ku haystaan, balse nin Ciraaqi ah oo lagu magacaabo Ghali al-Marajlah, ayaa tijaabiyay halistaasi.
Muddo toban sano ah ayuu Libaaxyo kula nool yahay gurigiisa ku yaala magaalad Basra, isaga oo rumeysan inay ka mid yihiin qoyskiisa. Waxa uu soo ibsadaa libaaxa oo yar isaga waxa uuna ku hayaa hooygiisa inta uu ka gaarayo bil amaba 45 berri, markaas oo la geeyo beerta.
“Waxaa beerteenna ku jira sideed libaax oo da’doodu ka wayn tahay toban sano, afar Aar iyo afar Gool,” ayuu u sheegay ninkaan libaaxa jecel wakaaladda wararka Reuters. Waxaa midkiiba uu joogaa qiimo u dhaxeeya $6,000 illaa $10,000.
Waxa uu sheegay inuu u qeylo dhaamiyo marka ay sameeyaan ficil aanan wanaagsaneen markaas oo ay fahmaan, waana wadada kaliya oo ay ku wada xiriiraan maadaama xayawaanada duurjoogta aysan awood u laheyn inay aqriyaan dareennada qof sida kuwa dab joogga ah ee la nool bini’aadamka.
Marka uu soo iibsanayo libaaxyada, Marajlah waxa uu bartilmaameedsadaa kuwa nool qaaradda Africa, kuwaas oo la rumeysan yahay in la rabbaayadeyn karo. Waxa uu ka sameeyaa dhaqaale, oo beertiisa Libaaxyada waxaa qofkiiba uu ku booqdaa lacag gaareysa laba doolar.