Himilo – Kooxda Serie A ee Juventus ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan daafaca dhexe Germany ee Antonio Rudiger isbuucyadii lasoo dhaafay.
Daafaca naadiga Chelsea ayaa si weyn loola xiriirinayay ka dhaqaaqitaanka garoonka Stamford Bridge isaga oo xiisa ka helaya kooxo ka dhisan Italy.
Sida ay ku warrameyso Calciomercato, Chelsea ayaa hadda sheegtay qiimaha lagu iibsan karo laacib Rudiger. Warbixintu waxay sheegeysaa in Chelsea qorsheysay in xiddiga qaranka Germany ku beeciyaan adduun lacageed dhan £15 million.
Juventus ayaa ku guda jirta qaab ciyaareed aan la mahdin oo ay ku billowdeen Serie A ololahaan.
Kooxda tababare Andrea Pirlo ayaa ka cawaneysa dhaawacyo soo gaaray xiddigaha ugu muhiimsan naadiga sida Giorgio Chiellini halka Leonardo Bonucci uusan qaab ciyaareedkiisa aheyn mid loo riyaaqay.