Himilo – Kooxaha ka dhisan horyaalka Serie A ee Juventus iyo AC Milan ayaa wadajir u xiiseynaya PSV Eindhoven weeraryahankeeda Donyell Malen.
Sida uu ku warramayo warsidaha Italy ee Calciomercato, labada koox ee Juventus iyo AC Milan ayaa bartilmaameed ka dhiganaya laacibka qaranka Netherlands kaasi oo ay tayadiisu tahay mid sarreysa.
Malen ayaa wakhti kusoo qaatay Ajax iyo akadeemiyadda Arsenal kahor inta uusan ku biirin PSV Eindhoven sannadkii 2017. Waxa uu kulankiisii ugu horreeyay saftay sannadkii 2018, tan iyo markaa waxa uu ciyaaray 94 kulan dhammaan tartamada , weeraryahanka ayaana shabaqa gaarsiiyay 43 gool.
Kooxaha AC Milan iyo Juventus labaduba waxay doonayaan in xiddigan ay beddel ugu dhigaan laacibiinta Zlatan Ibrahimovic iyo Cristiano Ronaldo oo da’ ahaan sarreeya.