Himilo – Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa lagu warramayaa in ay daneynayaan laacibka kooxda Inter Milan khadka dhexe ugu ciyaara ee Nicolo Barella.
Sida uu werinayo warsidaha reer Italian ee Calciomercato, kooxaha Premier League ayaa xiisa u haya xiddigan Barella.
23 sanno jirkaan ayaa si joogta ugu biiray Nerazzurri xagaagii tegay, kaddib markii uu amaah uga yimid naadiga Cagliari.
Si kastaba qandaraaska Barella waxa uu ku egyahay sannadka 2024, koox kasta oo dooneysa ayaa kula saxiixan karta qiimo dhan €40.5 milyan oo Yuuro.