Himilo – Nin xannaaneeya shinnida ayaa laga soo duubay muuqaal isagoo gacantiisa bidix ay saaran yihiin kumanaan xabbo oo ay ku jirto boqoradooda. Muuqaalka oo dad badan cabsi geliyay ayaa ku baahay baraha bulshada.
Muuqaalka waxaa ka muuqday ninka oo soconaya gacantiisana garabka ilaa faraha ay ku taxan kumannaan shinni ah oo is-dul-saar-saaran. Ninkan wuxuu ku nool yahay bartamaha dalka Dominican.
Qofkii ka duubayay muuqaalka ayaa weydiiyay sababta kumanaanka shinnida ah aysan u qaniinayn. Wuxuu si fudud ugu jawaabay “waxay garanayaan milkiilahooda.”
Waxaa kale oo la su’aalay inay malab u soo saarto iyo in kale, wuxuu uga warceliyay “Maya, hadda ayaan u socdaa inaan geeyo meel ay ku sameyso.” Muuqaal duubaha ayaa ku yiri boqorada gacanta miyaad ku haysaa? “Haa” ayuu ugu jawaabay.