Home / Cayaaro / Zidane oo ka walwalsan dhibaatada dhaawac ee Real Madrid
zinedine-zidane

Zidane oo ka walwalsan dhibaatada dhaawac ee Real Madrid

Himilo – Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qiray inuu ku dhibtoonayo inuu aqbalo dhaawacyada sii kordhaya ee soo gaaraya ciyaartoydiisa kooxda koowaad.

Los Blancos ayaa horumar sameysay isbuucyadii la soo dhaafay, iyagoo badiyay saddexdii kulan ee ugu danbeysay si ay cadaadiska ugu sii hayaan hoggaamiyaasha La Liga ee Atletico Madrid.

Si kastaba, Dani Carvajal ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee ku biira liiska dhaawacyada kooxda Axadii intii lagu jiray qeybtii hore ee kulankii Valencia.

Iyadoo Eden Hazard, Sergio Ramos, Marcelo, Rodrygo, Federico Valverde iyo Eder Militao ay sidoo kale ka mid yihiin ciyaartoydiisa maqan, Zidane ayaa qirtay inuu ku hungoobay xaalada.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta Axadii, Zidane ayaa yiri: “Ma fahmin, waxaa jira dhaawacyo badan, waan walwalsanahay, markaan waayo ciyaaryahan, tababare ahaan way i dhibtaa, waa soo laabasho.

Real ayaa kaliya heysata labo kulan oo ay ciyaareyso inta lagu jiro bisha Febraayo, kan soo socda waa kulanka Real Valladolid ee 20ka Febraayo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan