Home / Cayaaro / Takumi Minamino oo loo iibin doono saxiixa ciyaaryahan
takumi-minamino

Takumi Minamino oo loo iibin doono saxiixa ciyaaryahan

Himilo – Liverpool ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Takumi Minamino xagaaga iyagoo raadinaya saxiixa weeraryahanka Sevilla Lucas Ocampos.

In kasta oo Ocampos uu olole isku dhaf ah la qaatay Sevilla xilli ciyaareedkan, 26 jirkaan ayaa weli raadsanaya kooxo ka mid ah kuwa ugu waa weyn kubadda cagta Yurub ka dib qaab ciyaareedkiisii Europa League intii lagu jiray 2020.

Liverpool ayaa si xoogan loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso kubad sameeyaha reer Argentine iyadoo Jurgen Klopp uu doonayo inuu kooxdiisa  ku cusbooneysiiyo wejiyo cusub.

Sida laga soo xigtay La Razon, kooxda ka dhisan Merseyside ayaa diyaar u ah inay ku soo darto Minamino dalab kasta oo ku saabsan Ocampos.

Inkasta oo uu wacdaro dhigay intii lagu jiray toddobaadyadii ugu horreeyay amaahdiisa uu ku joogo Southampton, waxaa la soo jeedinayaa in Japanese-ka ay u badan tahay inuusan dib u heli doonin booskiisa  Klopp.

Minamino ayaa kaliya afar kulan kusoo bilowday Premier League sanadkii ugu horeeyay ee Liverpool.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan