La kulan: nin gabar ay saaxiibbo ahaayeen Jasiirad u dhisay

Himilo – 30 jir  magaciisa lagu koobay Xu kana soo jeeda Shiinaha wuxuu jasiirad dhan u dhisay gabar ay saaxiibbo hasaawe wadaag hore ahaayeen.

Ujeedada ku xanbaartay dhisidda jaziiradda waxay ahayd wuxuu doonayay inay u soo laabato jacaylkiisii balse waxaa la weriyay inuusan ku guuleysan damaciisii.

Mr. Xu dedaalkiisa fashilmay waxaa uga baxday lacag kor u dhaafeysa $15 kun oo uu muddo mushaarkiisa ka jarayay. dhismaheeda waxaa la dhammeeyay Janaayo 2021, nasiib darro gabadhii loogu tala galay waxay diiday inay dib ula midowdo Mr Xu.

Jaziiraddan oo ku taalla magaalada Yengde kuna fadhida cabbir u dhaxeeya 20-30 Mitir labo jibbaaran waxay noqotay goob soo jiidasho leh oo bartilmaadeed u noqotay lammaanayaasha inay tagaan wakhtidooda tamashlaha si ay indhaha ugu doogsadaan muuqaaladeeda wacan.

Xu markii uu bur-buray xiriirkii saaxiibtii kala dhaxeeyay wuxuu u guuray baadiyaha halkaas uu hadda ku xannaaneeyo waalidkiisa oo waayeel ah.

error: Copy lama Ogola Fadlan