Himilo – Xiddiga khadka dhexe ee weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Xherdan Shaqiri ayaa soo jeediyay in uu haatan taam buuxa yahay isla markaana uu rajeynayo in uu ciyaaro kulamada ugu badan ee suurtogalka ah.
Iyadoo 10 kulan ay ka hartay Premier League, Liverpool ayaa u baahan inay sii wadato isku xigxiga guulaha si ay sare ugu qaado rajadooda afarta sare.
29 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkaan saftay 12 kulan oo Premier League ah. Wuxuu maamuley 12 kamid ah 16kulamada Reds tan iyo bilowgii sanadka.
Waxa uu ku soo laabtay taam ahaanshihiisa ka dib dhaawac soo gaaray 2020 waxana uu doonayaa in uu saameyn ku yeesho kulamada harsan.
Kahor kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Wolves, Shaqiri ayaa soo jeediyay inuu markasta u muuqdo inuu bixiyo waxa ugu fiican isla markaana uu haatan taam buuxa yahay.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Switzerland ayaa u sheegay Liverpoolfc.com: “Waxaan dareemayaa inaan aad u fiicanahay. Waxaan dareemayaa caafimaad iyo cuseyb, waxaan dareemayaa wanaag. Marwalba diyaar ayaan ahay haddii tababaruhu i doorto inaan isku dayo inaan soo bandhigo qaab ciyaareed wanaagsan si aan uga caawiyo Asxaabta iyo kooxdan inay guuleystaan kulamada. ”
Liverpool ayaa laga badiyay lix kulan oo isku xigta gurigeeda, laakiin waxa ay wacdaro ka muujiyeen meel ka baxsan garoonkooda xilli ciyaareedkan.