Himilo – Xiisaha Barcelona ee saxiixa Erling Haaland ayaa u muuqda mid sii kululaanaya, iyadoo ciyaaryahanka aabihiis, Alf-Inge Haaland, iyo wakiilka Mino Raiola ay ka degeen magaalada subaxnimadii Khamiista.
Joan Laporta ayaa cadeeyay inuu doonayo xoojinta weeraryahanka oo uu u arko xidiga Borussia Dortmund.
Wargeyska Sport ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Alf-Inge Haaland iyo Mino Raiola ay ka degeen magaalada Barcelona, halka sidoo kale ay soo wariyeen in qof ku dhow Laporta uu sugayo su uu u soo qaado.
Raiola iyo Laporta ayaa la sheegay inuu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, laakiin waa la arki doonaa hadii Barca ay haatan heysato dhaqaale.
Kooxda reer Catalan ayaa ku jirta deyn culus, iyadoo warar soo baxayay horraantii xilli ciyaareedkan ay sheegayeen in lacagtaasi ay gaareyso 1billion.
Haaland kaliya wuxuu ku biiray Dortmund bishii Janaayo 2020, laakiin durbaba waxa uu dhaliyay 49 gool 49 kulan.
Waxa lagu burburin karaa qandaraaskiisa £ 68million, laakiin taasi ma noqoneyso mid firfircoon illaa iyo 2022.
Haaland ayaa dhaliyay 33 gool 31 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan kooxda Dortmund ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.