Himilo – Joan Laporta wuxuu saldhig ka dhigtay in badan oo ka mid ah ololihiisa in dib loogu doorto madaxweynaha kooxda Barcelona, ciyaarta iska hor imaadka ee Real Madrid iyo Barca . Maanta waa kulankiisii ugu horreeyay ee El Clasico in ka badan toban sano,
Kulankiisii ugu dambeeyay ee El Clasico wuxuu dhacay 10-kii Abriil, 2010. Madrid iyo Barcelona waxay isku hayeen hoggaanka horyaalka, laakiin kooxda Pep Guardiola ee Barcelona ayaa aad uga sarreeyay oo waxay ku adkaatay 2-0 iyadoo ay uga mahadcelinayaan goolasha Lionel Messi iyo Pedro, Xavi Hernandez ayaa labadaba caawiyay, Manuel Pellegrini ayaa isna mas’uul ka ahaa Madrid.
Ciyaarta caawa waxay noqon doontaa Laporta kulankiisii shan iyo tobnaad ee Clasico ee uu madaxweynaha Barcelona yahay, Wuxuu masuul ka ahaa todobo guul, labo barbaro iyo shan guuldaro. Clasico-dii loogu xasuusta badnaa ayaa shaki la’aan ah guushii 6-2 ee xilli ciyaareedkii 2009/10, laakiin sidoo kale waxaa jiray guuldaradii 4-1 ee 2007/08.
Radio Himilo
