Himilo – Booliiska magaalada Abu Dhabi ayaa soo joojiyay 39 isku imaatin taniyo billowgii bishan Ramadaan. Kulamada iyo xafladaha ayaa horey looga mamnuucay dalkaas.
Lama ogola inay dadku isku yimaadaan xilliga afurka iyo in la marti geliyo isku imaatino. Ujeedada ayaa ah in laga hortago ama la xaddiyo faafidda cudurka COVID-19.
Ciidamda booliska waxay ku bogaadiyeen dadka deggan magaalada inay u hoggaansamaan dhammaan hab raacyada looga dan leeyahay xakamadeynta Cudurka.
Qof walba oo isku imaatin marti geliya waxaa lagu ganaaxi doonaa Dh10,000 oo ah lacagta waddanka, halka ka qeyb gale kasta lagu ciqaabi doono inuu bixiyo Dh5,000.
Inta lagu jiro bisha Soon-qaad saaxiibada iyo qoyska waxay ku wada afuraan hal meel balse waa la mamnuucay iyadoo la doonayo in laga badbaado Karoona.