Maamulka Milan oo ku kalsoon Piol

Himilo – Milan ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansatay inay sii wado Stefano Pioli, xittaa haddii Rossoneri ay seegto Champions League.

Warbixinno dhowr ah oo ka yimid Talyaaniga ayaa sheegayay in Milan ay ceyrin karto Pioli haddii Diavolo ay weyso afarta sare ee 2020-21

Rossoneri waxay haatan isku dhibco yihiin Juventus iyo Napoli, laakiin waxay kaga baxsan yihiin afarta ugu sarreysa farqiga goolasha.

Iyadoo la isla dhexmarayo wararka ku saabsan mustaqbalka Pioli ee Milanello, Tuttosport ayaa ku warameysa in kooxda ay durbaba go’aansatay inuu la sii shaqeeyo ninkii hore ee Fiorentina.

Wargeyska ayaa sheegaya in Pioli qudhiisa uu ku qanacsan yahay inuu Milan ku hogaamin karo Champions League, lakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in kooxda aysan ka fiirsaneynin inay kala tagaan tababaraha.

Qandaraaska Pioli wuxuu dhacayaa June 2022 waxaana labada dhinac laga filayaa inay ixtiraamaan heshiiska hadda socda.

error: Copy lama Ogola Fadlan