Nin madaxiisa ku xiray saab si uu isaga joojiyo cabbidda sigaarka

Himilo – Ibrahim Yucel,wuxuu qaaday ficil ka dhashay go’aan uu ka gaaray cabbidda sigaarka. Wuxuu xal u arkay inuu madaxiisa xiro si uu isaga joojiyo balwadda.

Mr Yucel wuxuu  aad u qabatimay 20-kii sano ee tagay cabbidda sigaarka, maalin walba wuxuu joogto u cabbi jiray  labo baako oo sigaar ah.

Ninkan oo ka soo jeeda dalka Turkiga, wuxuu muddo ka fekerayay sigaarka, go’aankan wuxuu ku dhiiraday kadib markii uu aabihii u dhintay kansarka sanbabada.

Ibraahim, waxaa laga soo xigtay inuu marar hore isku dayay inuu iska joojiyo sigaarka balse uu ku guul-darreystay dhammaan isku dayadiisii.

Fekeradda ugubka ah , wuxuu sheegay inay ku soo dhacday markii uu arkay koofiyadda ay wataan ragga mootooyinka wada, kadibna wuxuu qaatay inuu madaxiisa xiro, waxaana ku taageertay xaaskiisa.

error: Copy lama Ogola Fadlan