Real Madrid oo heshiis cusub u soo bandhigeysa Karim Benzema

Himilo – Real Madrid ayaa dooneysa inay heshiis cusub ka saxiixato weeraryahanka mudada dheer u shaqeynayay ee Karim Benzema.

Xiddiga reer France, oo 34 sano jir noqon doona ka hor dhamaadka 2021, ayaa dhaliyay 29 gool 44 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedka Benzema ayaa u horseeday Didier Deschamps inuu joojiyo ka reebitaankiisa xulka qaranka kahor Euro 2020.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, Real ayaa sidoo kale dooneysa inay qandaraaska u kordhiso halyeeygan ilaa dhamaadka ololaha 2022-23.

Inkasta oo Benzema uu si lama filaan ah u soo jiidan doono xiisaha meelo kale xagaaga, haddana warbixinta ayaa soo jeedinaysa in labada dhinac midkoodna uusan ku degdegin dhammaystirka shuruudaha sababo la xiriira ‘xiriirkooda adag’.

Isaga oo ku dhaw dhamaadka ololihiisii 12-aad ee Bernabeu, Benzema ayaa doonaya in uu ku guulaysto koobkiisii 19-aad isaga oo kor u qaadi kara horyaalka La Liga todobaadkan.

error: Copy lama Ogola Fadlan