Himilo – Jaamacadda North Carolina ayaa dabbo-gal ku sameysay tiro haween ah oo kala socod badnaa intii u dhaxeysay 2011 iyo 2015, waxaana la helay natiijo kala fog.
Baarista waxaa lagu ogaaday in haweenka maalinkii socda wax ka badan 16,000 oo tallaabo ay ka cimri dheeraadeen kuwa socda wax ka yar 2,000 oo tallaabo maalinkii.
Badi habeenka loo diiwaan geliyay socodka badan waxay da’doodu dhaaftay 60 sano. Sidaas darteed dhimashada waxaa ku badan kuwa tallaabo qaadidoodu yar tahay.
Cilmi-baare Christopher Moore ayaa soo jeediyay inay haweenku badiyaan socodkooda maalinlaha ah sida inay gaadiidka uga degaan meel ka fog bar-tilmaameedood ama inay guriga ka qabtaan hawlo dheeraad ah.