Carnevali oo albaabka ufuraya bixitaanka Locatelli

Himilo – Maamulaha Sassuolo Giovanni Carnevali ayaa sheegay in kooxo badan oo ajnabi ah ay xiiseynayaan Manuel Locatelli, kaasoo kaga tagi kara Neroverdi dalab sax ah.

Locatelli wuxuu kasbaday xulka qaranka talyaaniga Euro 2020 waxaana lasoo warinayaa inay kormeerayaan qaar kamid ah kooxaha ugu wanaagsan yurub, sida Juventus, PSG, Manchester City iyo Real Madrid.

Carnevali ayaa u sheegay Tuttosport: “Waa run in Juventus ay u dhaqaaqday Locatelli xagaagii lasoo dhaafay, laakiin kaliya kooxaha ajaanibta ah ayaa muujiyay xiisaha dhabta ah ee isaga xilli dambe.

 “Waxaan nahay bilowgii, laakiin ujeedooyinkooda waxay umuuqdaan kuwo dhab ah. Waan u furan nahay wax walba, waxaan isku dayi doonaa inaan ka farxino Locatelli xitaa haddii aan u baahnayn inaan cidna iibino. Xitaa, waxaan doorbideynaa inaanan ku darin ciyaartoy kale heshiiska.

“Waxaan ku qiimeyn doonaa dalabka saxda ah ee ciyaaryahanka, ” ayuu raciyay Carnevali.

error: Copy lama Ogola Fadlan