Himilo – Kubad sameeyaha Chelsea Hakim Ziyech ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda xagaagan ka dib keliya hal xilli ciyaareed oo uu ku qaatay Stamford Bridge.
28 jirkaan ayaa ugu soo biiray Blues adduun dhan 40 milyan oo ginni isagoo ka yimid Ajax bishii July 2020, isagoo saxiixay qandaraas shan sano ah, lakiin waxa uu ku guuldareystay inuu ku noolaado rajadii laga qabay.
Sida laga soo xigtay Gazetta dello Sport, Xiriirka Ziyech iyo tababaraha Chelsea Thomas Tuchel waa mid burburay ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa haatan si rasmi ah ugu jira liiska suuqa kala iibsiga ee kooxda.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in labada naadi ee Serie A Napoli iyo AC Milan ay labaduba jecel yihiin ciyaaryahanka reer Morocco, waxaana ay ka fiirsan doonaan inay dalab ka gudbiyaan xagaagan.
Milan ayaa durbaba wadahadalo kula jirta ciyaaryahanka Chelsea Fikayo Tomori, waxaana la rumeysan yahay inay keentay 25 milyan oo ginni oo ay kula soo saxiixaneyso daafaca si joogta ah, ka dib amaah muddo gaaban ah oo ay ku guuleysatay kooxda reer Talyaani.
Ziyech ayaa 39 kulan u saftay dhamaan tartamada oo dhan kooxda Blues xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay lix gool isla markaana caawiye ka ahaa afar kale.