Barcelona oo ku garaacday Chelsea saxiixa Kays Ruiz-Atil

Himilo – Chelsea ayaa qarka u saaran  inay weydo saxiixa da ‘yarka Paris Saint-Germain Kays Ruiz-Atil.

19 jirkaan ayaa loo gacan geliyay dhowr fursadood oo Ligue 1 ah intii uu joogay tababaraha haatan ee Blues Thomas Tuchel, laakiin ma uusan u ciyaarin PSG hal daqiiqo oo kubada cagta ah ka dib markii Mauricio Pochettino uu la wareegay xukunka.

Ruiz-Atil ayaa sidaa darteed qarka u saaran inuu ka tago PSG marka heshiiskiisa uu dhaco maalmo yar gudahood, waxaana Chelsea loo saadaaliyay inay Ruiz-Atil keeni doonto Stamford Bridge horaantii sanadkaan si da ‘yarkaan uu u sii wato horumarkiisa intii uu ka hoos ciyaarayo Tuchel.

Si kastaba ha noqotee, saxafiga Calciomercato Matteo Moretto ayaa sheegaya in Barcelona ay ku dhowdahay heshiiska Ruiz-Atil, kaasoo lix sano ku qaatay akadeemiyada Catalans ee La Masia intii u dhaxeysay 2009 iyo 2015.

Da’yarkan ayaa hore waqti ula soo qaatay Gerland iyo kooxaha dhalinyarada ee Lyon ka hor inta uusan ku biirin akadeemiyada Barcelona, ​​wuxuuna qalinka ku duugay heshiis xirfad leh kooxda PSG shan maalmood ka dib markii uu 16 jirsaday 2018.

Ruiz-Atil ayaa ka tagaya PSG ka dib markii uu saftay todobo kulan oo Ligue 1 ah xilli ciyaareedkii 2020-21, oo ay ku jirto mid uu ku soo bilowday kulankii furitaanka ee ay guuldarada kala kulmeen Lens.

error: Copy lama Ogola Fadlan