Home / Haweenka / La kulan: haweeney soddon sano baraneysay darawalnimo

La kulan: haweeney soddon sano baraneysay darawalnimo

Himilo – Isabelle Stedman, oo ka soo jeeda  England waxay soddonkii sano ee la soo dhaafay baraneysay darawalnimo balse kuma aysan guuleysan inay ka gudubto tijaabada.

17 jirkeedii ayay bilowday isku hawlidda barashada wadida gawaarida, hase yeeshee wax horumar ah kama aysan gaarin ilaa iyo hadda oo ay 47  jir tahay.

In ka badan 1,000 cashar ayay qaadatay. waxay shaqaaleysiiyay 7 maccallin. Adduun lacageed kor u dhaafaya 10 kun oo pound ayaa uga baxay balse dedaaladan waxba ugama soo bixin.

Mar kasta oo ay gaari fuuusho isla markaanna ay isku daydo inay kaxayso waxay la deristaa walwal iyo cabsi ka hor joogsada inay ku dhiirrato wadidda gaariga.

In ka badan 200 oo jeer oo ay ku dhacday tijaabada ogolaanshaha darawalnimo. Weli ma aysan quusan waxay sii xoojineysaa dedaalkeeda.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan