Home / Macluumaad / Kaalinta Tubaakada ee u nugleynta jirka cudurrada

Kaalinta Tubaakada ee u nugleynta jirka cudurrada

Himilo – Waa caleen la qalajiyay, waxaa laga dhigaa sigaar, shiishad iyo amaba tubaakada canka la gashto ee caanka ka dhex ah bulshadeenna, in ka badan 1.3-bilyan oo ruux ayaa lagu qaddaraa dadka sida dadban amaba tooska ah u isticmaala tubaakada adduunka oo dhan.

Qeyb weliba oo ka mid ah bulsho-weynta dunida ayaa adeegsada tubaakada, qariib ma’aha in dalalka qaar laga helo carruur aanan gaarin da’da labaatan sano jirka iyo hooyooyin nuujis ah oo adeegsanaya nooc amaba noocyo ka mid ah Tubaakada. Mid ka mid ah siyaabaha u fududeeya carruurta inay bartaan waa in ay ka shaqeeyaan beeraha tubaakada si ay u caawiyaan qoysaskooda saboolka ah.

Dhammaan dadka adeegsada tubaakada 80 boqolkiiba waxey ku nool yihiin waddamada dhaqaalahooda uu heer dhexaadka yahay amaba uu hooseeyo, halkaasi oo ay ku badan yihiin xanuunada iyo dhimashada lala xiriiriyo tubaakada.

WHO, hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegaysa, in dad ka badan 8 milyan oo qof ay sanadkii ugu dhintaan caalamka isticmaalka tubaakada, dadkaasi 1.2 milyan oo ka mid ah uma bareeraan cabiddeeda balse waxey ka ag dhaw yihiin kuwa adeegsada.

Dhinacyada teban oo ay leedahay waxaa ka mid ah inay aragga dafiiciso, kordhiso xanuunada ku dhaca afka oo uu kansarka ka mid yahay, kuwa ku dhaca beerka, hab-dhiska difaaca jirka oo ay yareyso, kansarka ku dhaca kala-qoysyada iyo hunguri mareenka.

Sigaar oo ka mid ah tubaakada, waa jaadka ugu halista badan, tan canka la gashto iyo shiishada-ba waa noocyo dalkeenna laga heli karo, weliba qaarkood waxaa lagu iibiyaa qiimo jaban. Nasiib darrase isticmaalayaasha qeybtood waa dad da’ ah. 

Waxaa shantii amaba afartii sano ee u danbeeyay laga helayay dalkeenna tubaakada nooceeda taabuugga, taasi oo imaatinkeeda gaartay dhalinyarada. Jiilkan oo u badan kuwa dhigta dusgiyada dhexe iyo sare ee dalkeenna waa ay ka bad-qabeen noocyada kale ee tubaakada, taabuugga ayayse barteen isna bareen.

Dhammaan noocyadan tubaako ee halista ku ah bulshadeenna u badan saboolka, weli looma helin koox amaba dowladda xanibta oo ka mamnuucda dalka. Adduunka oo dhan na waxey qaadayaan waddo  la mid ah teenna, marka laga reebo kuwa dul-dhigay canshuur xooga si loo yareeyo ka ganacsi iyo isticmaalkeeda ba, welisa aanan ku guulleysan joojinteeda.

Mid ka mid ah waxyaabaha tamarta xoogan u yeelaya inay tahay il dhaqaalle laga abuuray oo waxaa beerta dadyowga dunida qoorkood, halka kuwa kalena ay ka ganacsadaan.

Sida qiyaasaha ay sheegayaan na sanadkii adduun gaaraya 818 bilyan oo doolar ayaa kasoo xarroota suuqa ganacsiga sharci darradda ah ee tubaakada.

W/Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan