Himilo – Gonzalo Higuain ayaa qiray in Inter Miami ay mustaqbalka dhow raadin doonto saxiixa Lionel Messi.
Inkastoo uu muddo dheer xiiseynayay horyaalka MLS, Messi ayaa doortay inuu heshiis qaali ah u saxiixo Paris Saint-Germain marka uu ka tagayay Barcelona horaantii xagaagan.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo xiddiga reer Argentina uu haysto ikhtiyaar ah inuu heshiiska u kordhiyo Parc des Princes ilaa 2024, Higuain wuxuu rajaynayaa in Inter Miami ay la xiriirto kooxda reer France.
Isagoo la hadlaya ESPN, Higuain ayaa yiri: “Ma doonayo inaan dhibaato galo, ma aqaano wax ku saabsan Leo ee Miami.
“Wuxuu u saxiixay labo sano PSG, kooxda ayaa dooneysa, waan arki doonaa”.
Messi weli ma uusan dhalin ama caawin kooxda PSG maadaama lagu soo koobay kaliya 114 daqiiqo oo kubadda cagta ah.