Home / Dhaqaale / Shirkadda Facebook oo khasaartay $7 bilyan saacado gudahood

Shirkadda Facebook oo khasaartay $7 bilyan saacado gudahood

Himilo – Adeegyada aaladaha baraha bulshada sida Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa dib hawada ugu soo laabtay, kadib ku dhawaad ​​6 saacadood oo ay hawada ka maqnaayeen, sida ay shirkadu shaacisay.

Dhammaan saddexdan aaladood ee baraha bulshada ayaa waxaa iska leh shirkadda Facebook. Waxayna tilmaamtay in sababta ay ahayd cillad ku timid hannaanka ay adeegyadani u shaqeeyaan.

In muddadaasi dheer ay barahani bulshada hawada ka maqnaadaan ayaa ah wax dhif iyo naadir ah.

Khubarada falanqeeya arrimahani ayaa sheegaya in carqaladda ku timid facebook iyo shirkadaha kale ee ay bahwadaagta yihiin uu ka dhashay khasaaro xooggan oo soo gaaray shirkadahan. Ayna saacad walba lacag dhan nus malyuun doolar oo xayiisiin ah ay khasaarayeen.

Saamiga shirkadda facebook ayaa hoos u dhacay 5% suuqa saamiyada magaalada New York.

Cilladdan ku timid adeegyada barahan bulshada ayaa waxaa uu saaameyn ku yeshay 3 bilyan iyo bar oo ah dadka isticmaala.

Arrintan ayaa imaanaysa maalin uun kaddib wareysi lala yeeshay mid ka mdi ah shaqaalihii hore ee Facebook oo soo dusiyey xogo ku saabsan shirkadda.

Frances Haugen ayaa u sheegay CBS news Axaddii aynu soo dhaafnay in shirkaddu ay mudnaanta koowaad siisay “kobcinta dhaqaalaha taa badalkeedana ay dayacday badqabka iyo amniga shirkadda”.

Waa muddadii ugu dheereyd ee barahani buslahada ay hawada ka maqnaadaan, shirkadda ayaana qasaartay $ 7 bilyan saacado gudahood.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan