Home / Cayaaro / Barcelona goorma ayay iibin doontaa Samuel Umtiti?

Barcelona goorma ayay iibin doontaa Samuel Umtiti?

Himilo – Barcelona ayaa liiska daafacyada suuqa ku dartay daafaceeda Samuel Umtiti sida lagu sheegay warbixin.

Xiddiga reer France ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Camp Nou sanadii 2016 walina ma uusan u safan Barca xilli ciyaareedkan.

Eric Garcia, Ronald Araujo, Gerard Pique, Oscar Mingueza iyo Clement Lenglet ayaa dhammaantood ka horreeya Umtiti sida ay ugu kala sarreeyaan Catalonia.

Iyadoo Barcelona ay weli la daalaa dhacayso dhaqaalaheeda, Sport ayaa sheegeysa in madaxda kooxda ay sameyn doonaan wax walba oo karaankooda ah si ay 27-jirka uga saaraan buugaagta bisha Janaayo.

Warka ayaa intaa ku daraya in Umtiti loo soo bandhigay fursad uu ku bixi karo xagaaga, iyadoo Nice, Besiktas iyo Lazio ay aad u xiiseynayaan saxiixiisa, laakiin daafaca ayaa diiday dalabyadaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan la soo jeediyay in Barcelona ay xitaa joojin karto qandaraaskiisa haddii uu diido inuu koox helo suuqa January.

Umtiti ayaa u saftay Barca 132 kulan, isagoo kula guuleystay labo horyaal oo La Liga ah iyo saddex Copa del Rey.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan