Home / Cayaaro / Shan ka mida kuwa ugu waawayn naadiyada England oo doonaya Florian Wirtz

Shan ka mida kuwa ugu waawayn naadiyada England oo doonaya Florian Wirtz

Himilo – Xiddiga Bayer Leverkusen Florian Wirtz ayaa xiiso ka helayo kooxo badan oo Premier League ah, kuwaasoo ka fiirsan doona inay u dhaqaaqaan mid ka mid ah daaqadaha kala iibsiga ee soo socda.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee weerarka, oo 18 jir noqday bishii May, ayaa isu muujiyey inuu yahay shaqsi muhiim u ah safka hore ee Gerardo Seoane 12kii bilood ee la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, kooxda Bundesliga Bayern Munich iyo sidoo kale ‘kooxo badan oo Premier League ah’ ayaa isha ku haya Wirtz, kaasoo ku xiran Leverkusen ilaa June 2026.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in Wirtz – oo hore loola xiriirinayay Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester City iyo Manchester United – uusan lahayn qiimo qandaraaskiisa  lagu burburin karo taas oo Leverkusen ay u arak to ciyaaryahanka qadka dhexe ‘lama taabtaan’ suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Aabaha Wirtz, Joachim Wirtz, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in wiilkiisu jeclaan lahaa inuu sii joogo BayArena “labada sano ee soo socota”.

Da, yarkan oo haatan ka maqan xulka qaranka Germany intii lagu jiray fasaxii xulalka ee bishan ayaa si fiican ku bilowday ololaha cusub isaga oo dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale 8 kulan oo uu u ciyaaray Leverkusen.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan