Himilo – Muhammed Malxis, oo 77 jir ah reer Urdun ah, ayaa awooday inuu ka dhabeeyo riyadiisii fogeyd ee ahayd inuu noqdo duuliye kaddib markii uu gurigiisa ka dhex dhisay nooc kamid ah qaab dhismeedka diyaaradda oo uu ku jiro mishiinka duulimaadka.
Malxis wuxuu ku wareegaa adduunka oo dhan isaga oo aan guriga ka bixin, kaddib markii duruufo maaliyadeed ay ka hor istaageen xaqiijinta riyadiisa sannadihii dhallinyaranimadiisa.
Malxis – oo agaasime ka soo noqday isbitaal ku dhawaad 40 sanno – ayaa yiri, “Kani waa diyaaradda Cessna 128, waxayna na tusaysaa agabyo kala duwan oo bixiya waxqabadka diyaaradda, oo ay ku jiraan xawaaraha diyaaradda iyo meesha laga hago diyaaradda.”
Wuxuu ku guulaystay inuu keydiyo xoogaa lacag ah si uu uga helo akadeemiyadda duulista hawada ee wadanka Cumaan ruqsad uu ku duuliyo diyaarad hal matoor ah, “Hadda diyaaraddu waxay ku jirtaa hab duulimaad gacanta lagu maamulo,” ayuu yidhi, isagoo hor fadhiya agabkii ku jiray qolka diyaaradda ee gurigiisa.
“Waxaan aad u jeclaa duulimaadka, sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan sameeyo qolkan, goobtuna waxay noqotay goob ay ku kulmaan dadka xiiseeya duulista hawada,” ayuu raaciyay.