Himilo – Musharraxiinta ma aysan ogeyn inay baratamayaan. Tartanka wuxuu ahaa tartan shimbireedka sanadlaha ah ee gu’ kasta lagu qabto waddanka New Zealand.
Tartankan u gaarka shimbiraha taniyo 2005 waxaa marba ku guuleysanayay mid ka mid ah noocyada dhaladka ah ee shimbiraha New Zealand oo ka kooban.
Ujeedooyinka loo qabto tartankan noociisu naadirka yahay waxaa ka mid ah in dadka la baro shimbiraha si ay u helaan fahan faahfaahsan iyo wacyi buuxa.
Sanadkan musharrixiinta isla yimid wareegga dambe codeynta waxaa ka mid noqday mid ka mid ah labada nooc ee kibilliyada asalka ah ee laga helo New Zealand.
In ka badan 56,000 oo qof ayaa u codeeyay si online ah. Dadka ugu badan waxay codadkooda siiyeen fiidmeerta oo sidaas ku noqotay shimbirta sanadka.
Kibilligan oo lagu magacaabo Pekapeka waxaa loogu hambalyeeyay bogga rasmiga ah ee hay’adda daryeelka kaymaha iyo shimbiraha ee dal jasiiradeed New Zealand.
Caleemo saarka sanadkan fiidmeerta loogu gartay inay tahay shimbirka sanadka waxaa jira dad diiday oo barahooda u bulshada ku soo qoray in doorashada la dhacay.
Balse masuuliyiinka tartanka soo agaasimay ayaa sheegay in kibilliga mudnaanta loo siiyay inuu ka mid yahay noocyada dunida ku yar sii dabar go’aya.
Fiidmeertan ayaa noqotay sidoo kale naasleydii ugu horreysay ee lagu daro tartanka shimbiraha Australia taas oo ka mid ah waxyaabaha doodda lagu galiyay.
Radio Himilo
