Home / Cayaaro / Maxaad ka xasuusataa saxiixyadii ugu xumaa Man City tan iyo markii ay qani noqotay 2008-dii

Maxaad ka xasuusataa saxiixyadii ugu xumaa Man City tan iyo markii ay qani noqotay 2008-dii

Himilo – Kooxda Premier League ee Manchester City ayaa waagii  xukunka  uu la wareegay Sheikh Mansour la kulantay xaalAdo aan inta badan la ogayn.

Naadigu waxa ay la saxiixatay qaar ka mid ah xiddigo ku kacayo lacago badan ka hor inta aanay isu dhisin sidii naadi leh awood maxalli ah sannadihii la soo dhaafay.

Haddaba, Daily Star Sport ayaa daabacday shan ka mid ah saxiixyadii ugu xumaa ee ay City samaysay tan iyo markii kooxdu ay qani noqotay 2008dii.

Eliaquim Mangala

Mangala ayaa laga soo bixiyay lacag dhan 42 milyan ginni markii ay City Etihad geysay isaga oo ka yimid FC Porto.

Laakiin inkasta oo uu markii hore wacdaro dhigay, haddana qaab ciyaareedka Mangala waxa uu ka soo dhacay meel sare, waxana uu isu beddelay masuuliyad xagga dambeedka ah halkii uu ka ahaan lahaa  difaac muhiim u ah oo ay City rajaynaysay.

Mangala waxa u suurtagashay in uu billadda ku guulaysto Premier League isagoo fadhiya ama keyd ah ka hor inta aan amaah loogu dirin Valencia.

Bandhigii wacnaa ee uu ku soo bandhigay Spain ayaa ku qanciyay Pep Guardiola in uu nasiino siiyo – laakiin taasi waxa ay socotay dhowr kulan ka hor inta aan si fiican loo siinin.

Jo

Weeraryahanka Brazil Jo ayaa ka mid ahaa heshiisyadii ugu horreeyay ee la sameeyo ka dib markii uu Mansour City la wareegay.

Waxa uu ku yimid heshiis 19 milyan ginni ah 2009 ka dib markii uu sumcad ka sameeyay mid ka mid ah weeraryahanada ugu sarreeya Russia.

Nasiib darro, wuxuu noqday Flop-kii ugu horreeyay ee ay lacag badan ka bixisay City.

Waxa uu dhaliyay keliya hal gool sagaal kulan oo uu ku ciyaaray Etihad waxaana loo raray Everton.

Labo amaah oo uu ku joogay Goodison Park ayaa xiddiga reer Brazil siiyay rajo ah in uu badbaadiyo xirfadiisa ciyaareed, laakiin mar walba waxa uu u socday dhibaato ka dib markii uu ku bilowday si xun waxaana ugu dambeyntii kooxda laga tuuray 2011.

Wilfried Bony

Bony wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu halista badan Premier League markii uu yimid City Janaayo 2014.

Laakiin weeraryahanka reer Ivory Coast ayaa dib u soo celin kari waayay qaab ciyaareedkiisii Swansea, waxaana uu ku fashilmay Manchester.

Waxa uu ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka intii lagu jiray sanadka 2014, lakiin waxa uu kaliya dhaliyay 10 gool 46 kulan oo uu u saftay City ka dib markii ay ku iibsadeen 25 milyan ginni.

City ayaa la soo saxiixatay isaga si uu ugu hoggaamiyo hankoodii ku aaddanaa horyaalka Premier League, laakiin waxa uu ku soo laabtay Wales saddex sano uun ka dib markii uu lacago badan ku wareegay.

Jack Rodwell

Heshiiska ay kula soo wareegeen Rodwell ayaa calaamad u ah isbeddel dhanka jihada ah ee kooxda Man City iyaga oo dajiyay qaar ka mid ah xiddigaha soo koraya ee Premier League.

Nasiib darro ninkii hore ee Everton, waxa uu yimid Etihad si uu u ogaado in City ay horeba u kaydsatay ciyaartoy badan oo khadka dhexe ah.

Waxa uu ku dhibtooday inuu helo waxqabadyo badan oo ay kaga horreeyeen shaxda  Yaya Toure, James Milner, David Silva, Gareth Barry iyo Samir Nasri.

Rodwell ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawacyo kuwaas oo hakiyay rajadii uu ka lahaa inuu heerkaas gaaro.

Waxa uu ku dhamaaday Manchester inuu ka tago keliya laba sano iyo 25 kulan ka dib markii uu ku soo dhaqaaqay £ 12m.

Emmanuel Adebayor

Adebayor ayaa 25 milyan oo ginni ugu wareegay City oo uu kaga soo biiray Arsenal, taasoo ahayd lacag nadiif ah oo dib loo soo celiyay 2009kii, taasoo keentay shaki badan markii Mansour iyo kooxdiisu ay sare u qaadeen hammigooda horyaalka.

Adebayor waxa ay ahayd in uu noqdo weeraryahankii heerkooda sare u qaadi lahaa ka dib markii uu caddeeyey goolashiisii Arsenal.

Waxa uu wacdaro ka dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay isagoo dhaliyay 14 gool laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu sameeyo wax kasta oo xusid mudan ka dib markii uu gool ka dhaliyay kooxdiisii oo uu ku sameeyay dabaal daggiisii caanka ahaa.

Laakiin taasi kuma filna in Adebayor uu ku sii jiro qorshaha City, waxaana ugu dambeyntii daaqada ka tuuray Edin Dzeko, Mario Balotelli iyo Carlos Tevez.

Adebayor ayaa ku riyaaqay waqti dheeri ah oo uu ku qaatay Tottenham iyo Crystal Palace ka dib markii uu ka tagay City, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu ku noolaado lacagtiisa qaaliga ah.

W/Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan