Himilo – Nigeria waa dalka weyn oo dhaca galbeedka Africa, Magaalada Abuja ayaa caasimad u ah taas ka jagada ka kala wareegtay Lagos.
Nigeria waxay soohdin la leedahay afar dal oo kala ah Benin oo galbeedka ah, Niger oo waqooyiga ah, Chad oo waqooyi bari ah iyo Cameroon oo koofur bari ah iyo badweynta atlantic
Nigeria waxay ka dhulweyntahay dalka Venezuela ama Spain iyo Germany oo laysku daray.
Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan Africa magaalada ugu weyn waa Logos waxaana ku nool 22 million oo qof. Nigeria waa dalka Todobaad ee ugu dadka badan Aduunka.
Wabiga ugu dheer Nigeria waxaa looyaqaan Niger river waxa uuna gaarayaa qiyaas ahaan 4,100 km ama 2,547 miles. Magaca Nigeria waxaa laga keenay wabiga Niger
2021, dalka Nigeria waxa uu noqday waddanka ugu dhaqaalaha xoogan qaarada Africa, lacagta laga isticmaalo dalkaa waxaa layiraah Naira.
W/Q: Cali Cabdullahi Hilowle