Loic Remy Oo Si Amaah ah ugu biiray Crystal Palace.

0
9

Crystal Palace ayaa ku dhawaaqday saxiixa weeraryahanka Loic Remy oo ay si amaah ah muddo hal xilli ciyaareed kaga soo qaateen kooxda Chelsea.

weeraryahanka France ayaa u dhaqaaqay  Selhurst Park ka dib markii uu fursad ka waayay kooxda ku ciyarta garoonka Stamford Bridge.

Palace ayaa kusoo qortay Twitter-keeda: waxay ku faraxsan tahay saxiixa amaahda ah ee Loic Remy kasoo noqon doona muddo hal xilli ciyaareed ah.”

Chelsea ayaa ku soo qorray website-keeda: “Loic Remy wuxuu xilli ciyaareedka 2016-17 amaah ku qaadan doonaa kooxda ka dhisan London ee Crystal Palace.

“29-sano jirkaan, ayaa muddo laba sano ah katirsanaa kooxda Chelsea, waxaana uu ahaa inta badan mid ka ciyaarayay kursiga keydka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here