Himilo – Ciyaartoyda kubadda cagta waxay u muuqataa in hantida iyo caannimada oo dhan ay la yimaadeen waxtar ka weyn.
Waxay u muuqataa in hantida iyo caannimada oo dhan ay la kulmaan xitaa manfacyo waaweyn, oo leh ciyaartoy fara badan ayaa waxa ay guursadeen supermodels caan ah.
Qoraalkan waxaan ku eegaynaa qaar ka mid ah ciyaartooy guursaday hablo ah boqoradaada quruxda.
Mikel Arteta
Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ku faraxsan inuu kabtanka u noqdo isla markaana uu maareeyo mid ka mid ah naadiyada ugu waa weyn adduunka.
ninka reer Spain ayaa sidoo kale nasiib u gaar ah leh inuu guursado haweeneyda Argentine iyo Spanish u dhalay ee tabiye television iyo model-ba ah ee Lorena Bernal
Bernal, oo ku kortay San Sebastian sida Arteta, waxaa loo caleemo saaray Miss Spain in ay tahay 17 jirkeedii sanadii 1999-kii ka hor inta aysan galin Miss Universe, halkaas oo ay gaartay kama danbeysta.
Labada qof ee lammaanaha ah ayaa is guursaday 2010 waxayna leeyihiin saddex carruur ah.
Jamie O’Hara
Ku guuleystaha Miss Great Britain 2006 Danielle Lloyd ayaa soo jiidatay indhaha dhowr ciyaartoy oo kubbadda cagta ah intii ay ku guda jirtay xirfadeeda moodeelka ee guusha leh.
Waxaa ka mid ahaa ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Tottenham Jamie O’Hara, iyagoo shukaansaday xiddigaha kale ee Spurs sida Teddy Sheringham iyo Jermain Defoe.
O’Hara, oo hadda cod joogto ah ku leh TalkSPORT, wuxuu guursaday Lloyd 2012-kii, lammaanuhuna waxay dhaleen saddex carruur ah ka hor kala tagoodii 2014.
Ivica Mornar
Weeraryahankii hore ee Croatia Ivica Mornar waxaa laga yaabaa in ay aad u yaqaanaan taageerayaasha Ingiriiska mudadii koobnayd ee uu joogay Portsmouth intii u dhaxaysay 2004 iyo 2006.
Xaaskiisii hore waxay ahayd Miss Croatia Fani Capalija, oo iyaduna ku tartamaysay Miss Europe iyo Miss World 1990-meeyadii.
Lamaanahan ayaa is furay 2004tii.
Tomas Rosicky
Mid kale oo ah Xidig hore oo Arsenal waa khadka dhexe ee Czech Republic Tomas Rosicky oo shaqada ka fadhiistay, kaasoo xaaskiisa la kulmay intii lagu jiray sawir-qaadista astaanta ciyaaraha
Rosicky wuxuu guursaday Miss Czech Republic oo ku soo baxday kaalinta labaad ee Radka Kocurova 2014, sannad ka dib markii wiilkooda uu dhashay, isla sanadkaas wuxuu kula guuleystay FA Cup Gunners.
Kocurova ayaa sidoo kale ka qayb qaadatay tartanka quruxda Miss Europe ee 2002, laakiin waxay joojisay wakhtigeeda xirfadeeda moodelka 2011.
Alessandro Costacurta
Qurulowgii Ac Milan Alessandro Costacurta waxa uu caan ku ahaa samaynta gidaarka difaaca ee Paolo Maldini iyo Franco Baresi 1990-meeyadii iyo horraantii 2000.
Xaaskiisa Martina Colombari markii hore waxaa loo caleemo saaray Miss Italia 1991 oo ay noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta da’da 16.
Waxay guursatay Costacurta 2004-tii lamaanahana way wada joogaan inkasta oo ay jacayl u qabto kooxda ay xafiiltamaan ee Juventus.
Gianluigi Buffon
Gianluigi Buffon ayaa si weyn loogu tixgaliyaa gool-hayihii ugu wacnaa taariikhda kubadda cagta.
Goolhayaha halyeeyga ah wuxuu la kulmay model Czech Alena Seredova sanadkii 2005.
Seredova ayaa ku guulaysatay Miss Czech Republic 1998dii waxayna ku dhamaysatay kaalinta afraad ee tartanka Miss World, iyada oo wax yar ka hoosaysay guushii Gigi ee ku guulaysiga koobka aduunka ee Azzurri 2006dii.
Waxay sii waday inay guursato Buffon 2011 waxayna dhashay laba wiil, ka hor intaanay lamaanuhu kala tagin 2014.
W/Q: Hanaa Maxamed Maxamuud