Himilo – Nin Talyaani ah oo 50 jir ah ayaa la qabtay isagoo isku dayaya inuu helo shahaado tallaalka coronavirus ah isagoo aan dhab ahaan tallaalka helin, isagoo isticmaalaya gacan Caag ah halkii uu isagu qaadan lahaa.
Warbaahinta Talyaanigu waxay soo warisay kiis la yaab leh oo ah nin booqday xarun tallaal oo ku taal Biella, waqooyi-galbeed Talyaaniga fiidn, isagoo sheeganaya inuu doonayo inuu helo qiyaasta tallaalka Covid-19.
Wax walba si habsami leh ayey u socdeen ilaa odayga 50 jirka ah, oo aan magaciisa la shaacin sababo gaar ah awgeed, ay kalkaalisada weydiisay inuu kor u qaado gacantiisa. Waxa kaliya oo qayb ka mid ah uu banneeyay cududdiisa sare, taas oo ay kalkaalisadu u malaynaysay in ay tahay wax yar, laakiin waxay hubisay in ay wax khaldan yihiin markii ay taabatay maqaarkiisa oo ay dareentay in aanay ahayn wax sax ah.
Kalkaalisada oo garatay in waxa ay taabatay markii ay isku diyaarinaysay bixinta tallaalka aanu ahayn maqaar ama hilib bini-aadmi, ayaa ka codsatay ninka Biella u dhashay in uu si buuxda u banneeyo cududdiisa, markaas oo uu isku dayay in uu qariyo waxa noqday cudud been abuur ah oo silikoon ah. xataa wuxuu isku dayay inuu kalkaalisada ku qanciso inay soo bandhigto inaanay waxba arag.
Nasiib darro se eedaysanaha, waxay u badan tahay inuu la kulmi doono dacwad dembi oo uu ka soo muuqan doono maxkamad.
W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud