Maamule dhintay isagoo u dabaaldegaya goolkii guusha daqiiqadii ugu dambeysay

Himilo – Maareeye ka tirsan horyaalka heerka labaad ee Masar ayaa si naxdin leh u dhintay ka dib markii uu wadno xanuun kusoo booday xilli uu u dabaaldegayay goolkii guusha ee kooxdiisa daqiiqadii ugu dambeysay.

Kooxda El-Magd SC ayaa garoonkeeda ku wajahday El-Zarqa khamiisti,waxana ay ku badisay 1-0,waxana ay la timid goolkii guusha daqiiqadii 92-aad ee ciyaarta,waxana ay soo afjartay hoos u dhacii ay ku jirtay.

Dabaaldeg waali ahayaa dhacay markii ay u soo baxeen kaalinta toddobaad ee miiska kala sarreynta 14 dhibcood, laakiin guushu waxay isu badashay mid keentay geerida naxdinta leh ee maamulahooda.

Waxaa ka mid ahaa riwaayaddii iyo dabaaldagii, tababare Adham El-Selhadar oo ku dhacay garoonka iyadoo ciyaartoyda iyo shaqaaluhu ay ku ordeen si ay u eegaan sida ay wax u dhaceen.

Isla markiiba waxaa u tagay dhaqaatiir caafimaad ka hor inta aan la geynin isbitaalka, halkaasoo la xaqiijiyay inuu ku dhintay.

El-Selhadar waxa uu ahaa ciyaaryahan xirfadle ah sanadihii sagaashamaadkii, isagoo kula guuleystay Masar Premier League iyo Koobka Masar ka hor inta uusan noqon tababare.

El-Magd ayaa ku dhawaaqday lix maalmood oo baroor diiq ah oo loo sameynayo maamulahooda iyadoo la hakiyay kulankooda xiga.
“Arrintan dhacday, guddiga agaasimayaashu waxay ku dhawaaqeen saddex maalmood oo baroor diiq ah oo loo sameynayo marxuumka.”

error: Copy lama Ogola Fadlan