Himilo – Carmal Maraykan ah ayaa heshay warqad uu qoray ninkeedii oo dhintay 77 sanno kahor, taas oo ku socotay hooyadiis markii uu ahaa askari ku sugnaa Jarmalka xilligii dagaalkii labaad ee adduunka, sida lagu sheegay sheeko uu tafatiray wargeyska New York Times.
Wargeysku waxa uu sheegay in Angelina Gonsalves, oo 89 jir ah, kuna nool Woburn, Massachusetts, ay la yaabtay bil ka hor, markii nin Boostoole ah uu garaacay gambaleelka albaabkeeda oo uu gacanta ku sitay warqad diiwaangashan, isagoo leh, “Hello marwo.. ninkaaga miyuu ka shaqeyn jiray ciidanka?, Waxay ku jawaabtay, “Haa, wuu ka shaqeyn jiray.
Boostoolihii ayaa u dhiibay bashqad isagoo leh, “Hagaag, waan hubaa in aan kuu hayo shay gaar ah.” Baqshadda waxa ku dhex jirtay warqad uu ninkeedu u soo diray hooyadii 6-dii December, 1945-kii, isaga oo 22 jir ahaa.
“Hooyo qaali ah, waxaan maanta kaa helay farriin kale, waana ku faraxsanahay inaan maqlo in wax walba ay fiican yihiin, aniga ahaan waan fiicanahay laakiin cuntada ayaa ah mid aad u liidata inta badan,” ayaa lagu yiri farriinta.
Gonçalves waxa kale oo uu hooyadii u sheegay in uu u malaynayo in aanu wax badan sii noolaan doonin, waxa uu sidoo kale ka cawday “cimilada oo aan wanaagsaneyn” waxa uuna waydiiyay sida ay qaar ka mid ah asxaabtiisa dalka ugu soo noqdeen, isaga oo xusay in uu rajaynayo. inuu dalka ku soo laabto January 2 ama February 1946.
Mar ay wareysi siisay wargeyska, haweeneyda uu ka dhintay ayaa ka hadashay dareenka xooggan ee ay dareemaysay markii ay akhriday ereyada ninkeeda, oo uu ku qoray far xarrago leh. “Waxay ahayd wax cajiib ah,” ayay tiri “Runtii waxaan dareemay in John ila joogo.”
The New York Times ayaa soo warisay in warqadda laga helay goob boost ah oo ku taal Pennsylvania – sida ay sheegtay haweeneydan.
“Ma hubno halka ay warqadani ku jirtay todobaatankii sano ee la soo dhaafay, waxa kaliya ee aan ognahay waa in ay soo gaartay xaruntayada qiyaastii 6 toddobaad ka hor,” ayay yiraahdeen mas’uuliyiinta waaxda maxalliga ah.