Liverpool oo diyaar u ah inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayso xaalada weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala oo lagu wado inuu ka tago naadiga.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Argentina ayaa ku riyaaqay olole wax ku ool ah kooxda reer Talyaani, isagoo ka qeyb qaatay 11 gool iyo afar caawin, 23 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Si kastaba 28-sano jirkaan waxaa qandaraaskiisa uga haray wax ka yar lix bilood, taasoo ka dhigeysa inuu la xaajoodo kooxaha ajnabiga ah.

Sida laga soo xigtay Sportitalia, Liverpool ayaa la socota xaalada xiddiga, inkastoo joogitaanka Serie A ay u muuqato natiijada ugu macquulsan.

error: Copy lama Ogola Fadlan