Home / Cayaaro / Real Madrid oo u dhaqaaqday saxiixa Erling Braut Haaland

Real Madrid oo u dhaqaaqday saxiixa Erling Braut Haaland

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay samaysay dhaqaaqii ugu horeeyay ee isku daygii ay ku doonaysay in ay kooxda ku keento weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland.

BVB lama filayo inay sii haysato xiddiga heerka caalami wixii ka dambeeya xagaagan, iyadoo Real Madrid, Chelsea, Paris Saint-Germain, Manchester United iyo Manchester City dhamaantood loo maleynayo inay isku diyaarinayaan dagaal xoogan oo saxiixiisa ah.

Real Madrid ayaa la filayaa in ay si xor ah ku dhamaystirto saxiixa Kylian Mbappe suuqa kala iibsiga ee xagaaga, laakiin rajada Haaland ee ka garab ciyaaridda xiddiga reer France ayaa la saadaaliyay.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Man United ay hadda ku fadhido kursiga saxiixa Haaland, laakiin sida laga soo xigtay Libertad Digital, Real Madrid ayaa hadda samaysay dhaqaaqii ugu horreeyay.

21-sano jirkaan ayaa 23 gool dhaliyay, sidoo kale 6 caawin sameeyay 20 kulan oo uu u saftay Dortmund xilli ciyaareedkan, qandaraaskiisa Westfalenstadion ma dhacayo ilaa xagaaga 2024.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan