Himilo – Shirkad fashigeedu yahay dalka Sweden ayaa tuke-yaal u shaqaaleysiisay inay haraadiga sigaarka ka aruuriyaan waddooyinka magaalo xeebeedda Södertälje.
Tuke-yaasha ayaa loo tababaray qaadidda qashinka, iyo geynta halka loogu tala-galay. Ujeedada laga leeyahay ayaa ah in la yareeyo qarashka badan ee sanad kasta ku baxa ka nadiifinta jidadka haashka sigaarka.
Hay’adaha ka shaqeeya dib u warshadeynta waxyaabaha la tuuro, ayaa sheegay in sanad kasta in ka badan hal bilyan oo haraadiga sigaarka ah looga tago waddooyinka Sweden.
Keliya Magalaada Södertälje waxay sanadkii nadiifinta waddooyinkeeda ku bixisaa 20 million Swedish kronor (£1.6 million. Balse Christian Günther-Hanssen aasaasaha mashruuca nadaafadda ayaa aaminsan inuu hal abuurkan badbaadin doono kharaskaas 75%.
Wuxuu intaa ku daray inay tuke-yaashu durba wax baran ogyihiin iyaguna ay iska bartaan farsamada qaaidda, wuxuu xusay in keliya la siiyo cunno iyaguna ay hawsha u gudtaan si wanaagsan oo isl-xaan ah. Balse wuxuu qiray inay mararka qaar si qalad ah u cunnaan qashinka.