Home / Cayaaro / Cristiano Ronaldo oo ku jira abaartii gool la’aaneed ee ugu xumayd muddo ka badan 13 sano

Cristiano Ronaldo oo ku jira abaartii gool la’aaneed ee ugu xumayd muddo ka badan 13 sano

Himilo – Cristiano Ronaldo ayaa haatan ku jira abaartii ugu darneyd ee dhanka gool dhalin la’aanta muddo ka badan 13 sano, isagoo ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto shantii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay Manchester United tartamada oo dhan.

37-sano jirkaan ayaa gool la imaan afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee uu ka horyimid Wolverhampton Wanderers, Brentford, West Ham United iyo Burnley, waxaana u sii dheer inuu ku guuldareystay kulankii Middlesbrough ee FA Cup 4-tii Febraayo.

Goolkii ugu dambeeyay ee Ronaldo uu u dhaliyo Red Devils waxa uu ahaa kulankii Burnley ee Premier League dhamaadkii bishii December.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Portugal ayaan wax gool ah ka dhalinin heer kooxeed tan iyo todobadii kulan ee u dhaxeeyay December 2008 iyo January 2009 markaas oo uu ku sugnaa Man United.

portugal-ka ayaa shabaqa soo taabtay 14 jeer, waxaana loo diwangeliyay saddex caawin 25 kulan oo uu u saftay Manchester United, 20 jeer horyaalka ingariiska tan iyo markii uu ku soo laabtay old trafford xagaagii hore.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan