Carwo shaqeynaysay 186 sano oo u xirmeysa dhaqaale la’aan

2
11

Himilo – Mid ka mid ah carwooyinka ugu da’da weyn dunida ee xayawaannada oo ku taalla Bristo,UK taasoo furnayd 186 sano ayaa albaabada loo laabi doonaa sanadkan.

Sida lagu helayo xogaha, carwada ayaa shaqada joojin doonta 3 September. Xayawaanada ku jira ayaa loo rari doonaa carwo kale oo ku taalla koofurta Gloucestershire.

Carwadan Bristol waxaa albaabada loo furay 1836. Waa guriga in ka badan 7,000 oo xayawaan oo leh 420 nooc. Waxay ku fadhisaa masaafe dhuleed dhan 12 acres (0.2204 kilometer).

Taniyo markii la aasaasay 1836, waxay soo dhawaysay dad lagu qiyaasay 90 milyan. Waxaa lagu ammaanay inay badbaadisay 175 nooc oo ah noole sii dabar go’aya.

Carwada ayaa la daalaa dhacaysay dhibaato dhaqaale xumo oo ka dhalatay cudurka Karoona. Natiijada ka dhalatay ayaa noqotay dakhligii carwada oo hoos u dhacay.

 

 

 

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here