Home / Cayaaro / Harry Maguire oo sii ahaan doona kabtanka Manchester United

Harry Maguire oo sii ahaan doona kabtanka Manchester United

Himilo – Tababaraha ku meel gaarka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa xaqiijiyay in Harry Maguire uu sii ahaan doono kabtanka kooxda ilaa ugu yaraan dhamaadka ololahan.

Maguire ayaa si weyn loo dhaleeceeyay, waxaana warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay in Rangnick uu ka fikirayo in uu Cristiano Ronaldo u gacan geliyo calaamadda kabtannimada inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

28-sano jirkaan ayaa Jimcihii soo dhigay baraha bulshada si uu u beeniyo talooyinka loo soo jeediyay, isagoo ku adkeystay in kooxdu ay “midoobeen” ayna diiradda saarayaan kulanka Axadda ee Premier League ee Leeds United.

Horaantii isbuucaan, Marcus Rashford ayaa sidoo kale beeniyay inay jirto arin ka taagan qolka lebbiska Man United ka dib markii la sheegay in imaatinka Ronaldo uu u keenay ciyaartoyda deganaan la’aan.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan