Himilo – Leeds United ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay u magacawdo tababarihii hore ee RB Leipzig Jesse Marsch kaas oo shaqada ka beddeli doona Marcelo Bielsa.
Ka dib guul darradii 4-0 ee ka soo gaartay Tottenham Hotspur, Bielsa ayaa loo maleynayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ka baxdo Leeds ka dib ku dhawaad afar sano oo uu la joogay Whites.
66 jirka ah ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League – waxaana laga dhaliyay 17, kaliya 2 dhibcood ayay ka sareeyaan booska loogu laabto heerka labaad.
Bielsa ayaa kooxda hoggaamiyay 170 kulan tan iyo markii uu yimid 2018. 81 ka mid ah waxayna ku guulaysatay inay u soo gudbaaan Premier League iyadoo leh 93 dhibcood ololahoodii guusha ee 2019-2020 Championship.