Manchester United oo u dhaqaaqday saxiixa Victor Osimhen

Himilo – Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay qiimo jaban ku doonatay saxiixa weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen.

Iyadoo mustaqbalka fog ee Edinson Cavani iyo Cristiano Ronaldo aan la hubin, Red Devils waxay u badan tahay inay qaadato  xiddigo cusub ka hor ololaha 2022-23.

Arsenal, Newcastle United iyo Real Madrid ayaa sidoo kale isha ku haya 22 jirka reer Nigeria. Wuxuu dhaliyay 11 gool afarna caawiye ka ahaa 22 kulan oo uu u saftay Napoli tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Star ayaa ku warameysa in guddoomiyaha Napoli Aurelio De Laurentiis uu Osimhen ku qiimeeyo 100 milyan ginni, isla markaana uusan dooneyn inuu ku fasaxo weeraryahanka qiimo jaban.

Osimhen, oo qandaraas kula jira Diego Armando Maradona Stadium ilaa June 2025, ayaa u dhaliyay Lille 18 gool 38 kulan oo uu u saftay ka hor inta uusan 21 gool u dhalin Napoli 51 kulan.

error: Copy lama Ogola Fadlan