Home / Cayaaro / Barcelona oo diyaar u ah inay sugto go’aanka Cesar Azpilicueta

Barcelona oo diyaar u ah inay sugto go’aanka Cesar Azpilicueta

Himilo – Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay dulqaad u yeelato dalabka ay ku doonayso saxiixa daafaca kooxda chelsea ee Cesar Azpilicueta.

Kabtanka caanka ah ee Blues, kaasoo ku guuleystay koob kasta oo naadi ah intii uu joogay Stamford Bridge, ayaa hadda ku jira ololihiisii 10aad.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca dambeedka midig waxaa qandaraaskiisa ka haray  kaliya afar bilood, Chelsea ayaana u muuqata inay ka caga jiideyso 32 jirkaan wax ka badan 12 bilood oo dheeri ah.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Barcelona ayaa diyaar u ah inay u gacan geliso xiddigan heshiis labo sanno ah oo uu ku darsan karo mid seddexaad.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan